Soomaalida oo ka muuqata siyaasada Wadanka Norway.

Oslo:- Soomaalida ayaa ah kuwo xiligaan ka dhex muuqanaya siyaasada wadanka Norway.

Dhawaan ayay aheyd markii Baarlamaanka cusub ee Norway ka mid noqotay Maryam Abdi Hussein waana gabadhii ugu horeysay Soomaali ah xijaaban ee noqota xildhibaan.

Waxaa sidoo kale maanta Taariikh kale u tahay Soomaalida kadib markii laba gabdhood ka mid noqdeen golaha deegaanka Magaalada Oslo.

Ubah Abdullahi iyo kaafiyo Haashi oo ka wada tirsan xisbiga AP ayaa ah kuwo ka mid noqon doona halka looga arimiyo Caasimadda Wadanka.

Tani ayaa ah mid Taariikh cusub iyo farxad u ah Soomaalida maadaama xiligaan ka dhex muuqanayaan siyaasada Wadanka balse wali waxaa muuqda doorkii jaalilad Lagu mideysan yahay oo ka qeyb qaadata xal u helida dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaalida ku heysta gudaha wadanka Norway.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com