Dawlada Federaalka u digtay maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliaya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayo xeebaha.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka suleymaan maxamed maxamuud ayaa sheegay in caddaallada la horkeeni dadka lagu helo arrintaas.
Suleymaan Maxamed Maxmuud, oo la hadlayay saraakiil tababar ku soo qaatay dalka Seychelles, ayaa sheegay in dowladda ay xoojineyso dadaallada lagula dagaallamayo maraakiibta kalluumeysiga sharci darrada ah ka wada xeebaha Soomaaliya.
“Ujeeddada tababarka ay wasaaradda, xafiiska xeer ilaalinta iyo booliska u direen xubnaha halkan fadhiya, waxaa weeye in lala dagaallamo kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda badaheena”.ayuu yiri Xeer ilaliyha Qaranka
“Kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya waxa uu yahay masiibo qaran oo ka mid ah masiibooyinka waaweyn ee Soomaaliya kheyraadkeeda ka jira, waana midda ugu weyn,” ayuu yiri.
Marakiib fara badan ayaa ksi sharci darro ah uga kalluumeysta xeebaha soomaaliya kuwaas oo dawlada Federaalka ay sheegtay in ay wajihi doonaan ciqaab adag marka la soo qabto.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com