Yuweri musafani oo qirtay in Ciidamadiisa dad shacab ah ku xasuuqeen Somalia.

Kambala, Madaxweynaha dalka Ugaandha Yuweri musafani ayaa qiray in ciidamada Uganda ee ka mid ah howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dhawaan gobalka Shabeelada hoose ku dileen dad rayad ah.

Musafani oo la hadlayay warbaahinta dalkiisa ayaa tilmaamay in ay soo gaartay kiiskaas isla markaana la xiray askartii qeybta ku laheyd falkaasi.

Isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa balan qaaday in askartaas cadaalada la marsiin doono, dhawana uu xusay in maxkamad la soo taagi doono.

Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday in ehelada dadkii la laayay dowladiisa siin doonto magdhaw.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qeyb ka ah kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya dad rayid ah oo gaarayay Todoba ruux ku xasuuqeeyn Gobolka Shabeelaha Hoose iyaga oo xiligaas caro ka muujinayay qarax miino oo lala eegtay kolonyo ay la doceren.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com