Madaxweyne Lafta gareen oo kulan la qaatay xubno ka Tirsan Beesha Caalamka

Madaxweynaha  Maamulka,  Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-Gareen), ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku Xigeenka kowaad ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya .

Sidoo kale, kulanka waxaa kaga qayb galay mareegta Internetka wakiilada dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska,iyo xubin ka Tirsan  EU oo kulanka uga qeybgalay Khadka Video-ga.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida guud ee dalka, iyo sidii looga wada shaqayn lahaaa in doorashada dalka waqtigeeda ku dhacda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com