Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo muqdisho ku kulmay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Gudomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdirashuur.

Kulankan ayaa looga hadlay arimo Xasaasi ah oo ku saabsan xaalada Guud ee dalka,  Arimaha Doorashada la filayo, Shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Dhuusmaareeb iyo Arimo kale

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdi Raxmaan cabdi shakuur warsame ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Face buugga yiri’

“Waxaan kulan talo wadaag ah yeelanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor). Waxaan ka wada hadalnay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Galmudug iyo sida ugu habboon ee uu ku guulaysan karo shirka Dhuusmarreeb 3.”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ah hogaamiye doonaya in uu ka shaqeeyo deganaansho siyasaadeed iyo kan Amni ee Degaanada Galmudug iyo Guuda ahaan Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com