Soomaalida Coronavirus ugu geeriyootey dalalka Yurub oo korortey

Muwaadiniin Soomaali ah ayaa xilliyo kala duwan waxaa ay Cudurka Coronavirus saacadihii la soo dhaafay ugu geeriyoodeen dalalka Ingiriiska iyo Finland oo kamid ah wadamada laga helay kiisaska la xiriira COVID 19.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey Cali Xasan Garabeey ayaa Magaalada london ee wadanka ingiriiska waxaa uu ugu geeriyoodey Cudurka Coronavirus oo dada farabadan ay dalal kala duwan ugu geeriyoodeen.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la sheegay in uu la xanuun sanayey Cudurka,isla markaana la geeyey mid kamid ah Isbitaallada magalada lodon oo uu ugu dambeyn ku geeriyoodey.

Dhinaca kale waxaa xalay dalka Finland Cuudrka Coronavirus ugu geeriyoodey Oday ka mid Odayaasha Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaano guud ahaan Soomaaliya,kaas oo lagu magacaabi jirey Wacdi Ow Aadan.

labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa kordhey Soomaalida Cudurka Corona ugu geeriyootey dalalka Yurub,waxaana shalay Magalada london ku geriyoodey Maxamed Maki oo ganacsade ahaan jiray

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com