Hirshabeelle oo karan tiishay Dad uu la kulmay xildhibaan laga helay covid19

Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle,  ayaa ku baaqday in dhammaan la karantiilo mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee la kulmay xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo laga helay cudurka Coronavirus.

Khaliif Muumin Tooxow, oo sidoo kale ah wasiiru-dowlaha Caddaalada Hirshabeelle, ayaa shalay la xaqiijiyay in laga helay xanuunka Coronavirus, kadib baaritaan lagu sameeyay

Bukaanka oo in mudda ah ku xanuunsanayey hotel ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, ayaa markii dambe loo qaaday Muqdisho, si looga baaro cudurka COVID-19 ee haatan laga helay.

Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle, ayaa ku boorrisay dadkii la kulmay bukaanka mudadii uu deganaa Hoteelka Jowhar, in ay is karantiilaan, si aanay bulshada ugu gudbin haddii ay qaadeen cudurka Coronavirus.

Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in ay raadinayaan dhammaan dadkii  xiriirka la sameeyay bukaanka, si loo geliyo karantiil mudda laba asbuuc ah.

Waxaan hadda raadineynaa dhammaan kuwa laga yaabo in ay la xiriireen isaga muddo 2 asbuuc ee la soo dhaafay si go’doomin loo geliyo looguna kuur galo xaaladooda” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com