Madweynihii Afganistan oo la baxsaday malaayiin doolar.

Kabul, Madaxweynihii wadanka Afganistan Ashraf Ghani ayaa lagu soo eedeeyay in uu la baxsaday lacago malaayiin doolar ah.

Ashraf Ghani ayaa la baxsaday lacag gaareysa 169milyan oo doolar markii uu ka tagayay wadanka Afganistan.

Danjire Mohammad Zahir Aghbar, ayaa oo  shir jaraa’id ku qabtay safaarada Afganistan ku leedahay caasimadda Tajikstan ee Dushanb ayaa qiyaanoole ku tilmaamay AShraf Ghani.

Zahir Aghbar ayaa intaa ku daray in madaxweynihi hore khiyaano qaran ka galay dadka iyo dalka.

Isaga oo tilmaamay in sii hayaha madaxweynaha wadanka Afganistan loo sii magacaabay ku -xigeenkii hore ee Ghani Amrullah Saleh inuu noqdo ku -simaha madaxweynaha Afghanistan.

Ashar Ghani ayaa warbaahinta xaqiijisay in uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka carabta halkaasi oo ka helay magangalyo.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com