Ra,isul Wasaare Kheyre oo sagootiyay ciidamo u diyaarsan la dagaalanka Alshabaab(Sawiro).

Muqdisho,Ra,isul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Ali Kheyre ayaa sagootiyay ciidamo loogu tala galay in ay wadanka ka saaraan Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Kulanka sagootinta ah ayaa waxaa kaloo ka qeyb qaatay Taliyaha ciidamada milatariga iyo waliba abaanduulayaasha.

Ciidamadan ayaa la sheegay dhab ahaan halka ay ka howlgali doonaan balse waxaa lagu soo waramayaa in ay ka qeyb gali doonaan howlgalada Alshabaab loogu xoreynayo Gobolada dalka.

Ra,isul wasaaraha iyo saraakiishii goobta ku sugnaa ayaa kula dar daarmay ciidamada in ay si daacadnimo ah uga qeyb qaataan howlgalada lagu xoreynayo goobaha alshabaab gacanta ku hayaan.

Ciidamada dowlada ayaa mudooyinki ugu dambeeyay dagaalo kula jiray Ciidamada Alshabaab ee ku sugan Gobolka shabeelaha Hoose.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada:

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com