Listhaug: Waxaan dareemeynaa iminka sida in aan Xabsi ka soo baxnay.

Oslo,Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga FRP Sylvi Listhaug ayaa sheegtay in iminka dareemayaan farxad kadib ka bixitaankii dowlada Erna Solberg,

Listhaug oo la hadlashay TV2 ayaa sheegtay in hataan xisbiga FRP xasilooni dareemayo.

“Waxaan dareemeynaa iminka sida in aan xabsi ka soo baxnay”ayay tiri Listhaug.

Sylvi Listhaug ayaa xilal kala duwan ka soo qabatay dowlada Erna Solberg waxaa ayna aad ugu soo caanbaxday markii loo dhiibay Wasaarada cadaalada oo ay hoos tagto Hay,adda UDI.

Xisbiga FRP ayaa ah xisbi aad ugu ad adag sharciyada soo galootiga isla markaana keentay in Soomaali badan iminka looga dhagan yahay sharciyadooda daganaanshiyaha.

FRP ayaa maalintii isniinta ku dhawaaqay in ay isaga baxeen dowlada,taasi oo keentay in Erna solberg soo dhistay xukuumad cusub oo bahwadaag ku yihiin Xisbiyada Høyre,Venstre iyo KRF.

Kilde:https://www.vg.no/nyheter/i/9vVGLp/listhaug-foeler-at-vi-har-sluppet-ut-av-fengsel

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com