Alshabaab oo sheegatay Mas’uuliyada Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxa ayna sheegteen mas’uuliyada Qaraxaasi ‘ iyaga oo tilmaamay in ay la beegsadeen xubno ka Tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil

Baraha ay adeegsadaan Alshabaab ayaa la soo dhigay  in  Shabaab qaraxa ay u adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu beegsaday maqaayadda Luul-Yemeni oo u ku taalla degmada Xamar-Jajab, aggaarka dekedda Muqdisho.

Al-Shabaab shegay in xilliga ay qaraxa la beegsanayeen maqaayadda ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waa Markii Labaad eeAlshabaab ay qaraxku weeraraan MaqaahidaLuulyamani eek u taala Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com