Abdirahman Abdishakuur” Ma mudneen Daauud in sidaan loo aaso”

Jigjiga, Abdirahman Abdishakuur Warsame ayaa aad uga horyimid qaab maamuuskii shalay loo sameeyay Aaska Allaha u Naxariistee Daauud Ali Masxaf ee ka dhacday Magaalada Jigjiga.

Abdirahman Abdishakuur ayaa sheegay in aan loo aasin qaabkii Fanaaniintii la midka ahaa Daauud Loo aasay.

Qoraal uu soo dhigay Facbook-ga ayuu Kaga hadlay sidaan:

Ma mudneyn Daa’uud Cali Masxaf in sidaas loo aaso, sababtoo ah Dhaxalka uu Daa’uud fanka Soomaaliyeed u dhaafay waa mid mug iyo miisaan culus leh, muddana dhexdeena ku noolaan doona. Ka sokow in uu mulaxaniiste iyo fanaan siloon leh ahaa, Daa’uud wuxuu ka mid ahaa macallimiinta waaweyn ee kabanka (cuudka). Xudaydi iyo Jiim Shiikh Muumin oo ah labada macallin ee Daa’uud kaga daysaday majaalkan ayaa laga hayaa ‘Daa’uud wuxuu naga badsaday garaaca Kabanka, sidaas darteen wuu nooga fiican yahay’.

Fanka qaybihiisa kala duwan ee farshaxanka, ruwaayadaha, majaajillada, heesaha, gabayada, guurowga, geeraarka, shiribka iyo buraanburka waa awood lagu mideeyo dareenka iyo khayaalka bulshada, laguna abuuro hiigsi mid ah. Waa muraayadda laga dheehdo inta ay la egyahay ilbaxnimada, dooqa, waana cabir, lagu gudbiyo farriimaha kalgacalka, siyaasadda, iyo waddaniyadda. Wuxuu isku keenaa dad siyaasad ku dirirsan, ama isku soo dhoweeyo duul juqoraafi ahaan kala fog.

Daalka, faraxa iyo murugadaba ayaa si isku mid ah nafta looga nasiyaa, waana kiciyaha caadifadda iyo kobciyaha garaadka bulshada. Haddab haddii sidaan u haysano fanka sidee bay ku dhacday in nin dhaxal mug leh ku dhaafay aas cat kaas ah lagu abaal mariyo.

Madaxeyne Mustafa fanka Soomaaliyeed kaama qabato in Daa’uud Cali Masxaf duur cidla ah iyo dad yar oo kooban ay ku aasaan Jigjiga oo ka mid ah magaalooyinka dhaqanka iyo fanka Soomaalida kuwooda ugu waaweyn.

Inkasto ay jiraan dad isku deyaya in ay fanka suurad xumeeyaan, faham taban ka bixiyaan, haddana fannaaniintii la miisaan ka ahayd Daa’uud Cali Masxaf waxaa Muqdisho, Hargaysa iyo Jigjigaba loogu sameeyey aas qaran ee ma laha Daa’uud tol la’aan ayaa heshay.

Fanaaniinta dhaxal faneed ka dhaafay kama liitaan saraakiisha, diblomaasiyiinta, siyaasiyiinta aaska qaran loo sameeyo.

Waan hubaal inuu in uu Daa’uud aas qaran mudnaa,. Inkastoo sidii uu mudnaa uusan helin, waxaa hubaal ah in waqti badan fankiisu nagu dhex noolaan doono ee Allayahow u naxariiso Daa’uud Cali Musxaf.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com