Doorashada Kuraasta Golaha shacabka ee laga soo doorto Koofur Galbeed oo la soo gaba gabeeyay

Waxaa maanta la soo gaba gabeeyay doorashada 69 kursi oo taaley Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan labada magaalo ee Baraawe iyo Baydhabo oo doorashooyinka ay ka dhaceen .

7  kursi ee ka harsaneyd doorashada oo maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo ayaa mid ka mid ah wuxuu ahaa kursi uu sanadihii lasoo dhaafey ku fadhiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasiis xasan Maxamed lagtagreen,waxaana u tartamay oo kusoo baxay Janaraal Mahad Craxmaan Aadan oo ah Taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed wuxuuna kursigaasi ahaa  Hop#172

Kursiga #047 oo ay ku fadhisay Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo meesha laga saaray ayaa waxaa ku guuleysatay Xaawo Sokor Cali oo heshay 79-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Faadumo Maxamed Isxaaq ay heshay 18-cod.

Kursiga hop#164 oo uu hoary ugu fadhiyay Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanax) ayaa waxaa Maanta doorashadii ka dhacday Baydhabo ku guuleystay Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi.

Kursiga Afaraad ee Hop#204 ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay  ee xubinnimada Golaha Shacabka.

Kursiga Shanaad ee Hop#197 ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Gobolka Baay Cumar Cali Isaaq Balash, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee howlaha guud iyo Guryeynta Xukuumaddii ka horeysay maxamed xuseen rooble

Kursiga Hop#181 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Maryan Macalin Isaag oo kursigaan horay ugu fadhiday.

Kursiga todobaad ee uu dambeeya doorashadii manta ee magaalada Baydhabo ee Hop#179 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Axmed garweyne balse meesha laga saaray ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Keerow Maxamed.

Koonfur Galbeed oo taaley 69 kursi oo Golaha shacabka ah, Waxaa haweenka ay ka helen 13 kursi, sidoo kale Aqalka Sare oo 8 kursi ahaa ayaa haweenka ka helen 2 xubnood, taas oo ka dhigan in haweenka guud ahaan Koonfur Galbeed labada aqal ka helen 15 xubnood.

MaamulkaDawlad goboleedka Koofur  galbeed ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee soo geba-gabeeya doorashadooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya  , waxaana kasii horeeyay doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo Beelaha Banaadiriga oo doorashadooda ay ka dhacday magaalada Muqdisho.