Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Bari

Faahfaahino  ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo ka dhacay Degaanka Timirshe oo hoosyimaada Degmada Isku dhuban ee gobolka Bari kaas oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo  Daacish.

Dagaalka aya bilowday  kadib markii cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ay weerar qorshaysan ku qaadeen goob ay isku urursanayeen  Daacish ee ku sugan Buuraleeyda Calmiskaad ee Gobolka Bari

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka iyadoo warar qaar ay sheegayaan in labada dhinac waa ciidanka puntland Daacish uu soo kala gaaray khasaare balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka uu sabababay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com