Kenya oo beenisay in ay Ciidankeeda ka qayb qaateen Dagaalkii ka dhacay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

Wasiirka Amuuraha dibada ee Dalka Kenya Fred Matiangi ayaa sheegay in uusan jirin askari ka tirsan ciidamada Kenya oo ka gudbay xadka Soomaaliya kana qeyb qaatay dagaalkii shalay ka dhacay Beled Xaawo.

Wasiirka ayaa beeniyay in Askar ka Tirsan Ciidamada Kenya ay ka qayb qaateen dagaaladii degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

“Kama mid ahayn ciidamadeena dagaalkii Beled Xaawo mana jiro askari ka gudbay Xadka oo galay gudaha Soomaaliya.”ayuu yiri Fred Matiangi oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ee dalka kenya .

Sidoo kale Guddoomiyaha Mandhera Ali Roba ayaaisagana  sheegay in 12 ruux oo ku sugnaa Mandhera Kenya ay ku dhaawacmeen rasaas habow ah iyo madaafiic laga soo tuuray gudaha magaalada Beled Xaawo.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku Eedeeysay in Kenya  in ay ku lug lahayd dagaalkii Degmada Balad Xaawo Islamarkaana ay soo abaabushay  Waxa ay ugu yeertay Dawlada Jabhadii weerarka ku soo qaaday degmada Balad Xaawo oo ay la jeedo Ciidanka Jubland

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com