Maxay ka wada hadleen James Swon iyo Wasiirka Wasaarada Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya?

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aaadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa la kulantay ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Waxaana ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, ilaalinta xuquuqda aadaha xilliga doorashada iyo arrimo kale oo muhiim u ah iyo xoojinta wada shaqeynta wasaaradda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay ee wasaaraddu bah-wadaagta yihiin.

 

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dardar gelinta shaqada xarunta u qareemidda qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% oo dhowaan wasiirku xarigga ka jartay.

Kulanka ayaa ku soo aadaya , xilli wasaaradda haweenka wado dadaalo ay ku xaqiijinayso qoonddada haweenka ee 30% oo ay ku leeyihiin baarlamaanka 11 aad ee doorashadiisa loo madlan yahay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com