Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu bilaawdey Barnaamij uu daahfuray Madaxweynaha

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi warfaa ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano uu bilaawday lixdii bishaan islamarkaana uu gaaray 17,666 qoys oo Soomaaliyeed ee Guud ahaan dalka oo lacagtooda loogu shubay teleefonadooda gacanta.

Mashruucaan waxaa ilaa iyo haatan laga fuliyay deegaano ka tirsan Maamulada Jubbaland,Koofur-galbeed iyo Galmudug,sida uu sheegay Wasiir Sadiiq Warfaa.

Halka Maamulada Hirshabeelle iyo Puthland ay dhawaan gaari doonaan maadaama ay socdaan qorshihii lagu gaarsiin lahaa ama loo xulan lahaa in dadkii loogu talagalay la gaarssiyo .

Mudane sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliland ay ka mid tahay goobaha la geyn doono hase ahaatee ay ka duwan tahay maamulada kala oo si gaar loo qiimeyn doono.

“Soomaaliland waa ka  mid tahay qorshaha in la gaarsiiyo Mashruuca Baxnaano hase ahaatee waa ka duwan tahay Maamul-goboleedyada kale ee dalka waxaana u qiimeyn doono si gaar ah “Sidaas ayuu yiri wasiirka Sadiiq Xirisi warfaa.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid ay leedahay Dowladda Soomaaliyeed waxaana ka taageeray Bankiga aduunka waxaan bishii setember iyo sanadkii tagay ee 2019 lasoo marsiiyay golaha wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaliya waxaana loogu talagalay in lagu taageero dadka saboolka ah eek u nool guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay  18 bishii april Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.