Sare u kac ku yimid kirada Guryaha Magaalada Dhuusa-mareeb(Warbixin).

Dhuusa-mareeb,Waxaa sare u kac aad u xoogan laga dareemayaa Guryaha iyo hotelada ku yaal Magaalada Dhuusa-mareeb.

Sare u kaca ayaa sababay markii musharaxiin Xil doon ah iyo mas,uuliyiin kala duwan buux dhaafiyeen Magaalada.

Qiimaha guryaha gaarka loo leeyahay ayaa aad u kordhay waxaana halki guri ee filada ah la kireynayaa lacag u dhaxeysa Kun iyo shan boqol ilaa laba kun oo doolar bishii.

Sidoo kale qofka kireysanaya Guriga ayaa shuruud looga dhigay in uu hor mariyo laba ama sedex bilood.

Qaar ka mid ah dadkii Guryaha ku lahaa magaalada ayaa isaga guuray si guryahooda kiro ugu helaan.

Dhanka kale hotelada ku yaal Magaalada ayaa iyane sare u kacay qiimaha lagu seexdo habeenkii.

Halkii habeen ayaa lagu jiiftaa lacag dhan konton doolar halka marki hore lagu seexan jiray toban doolar.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com