Fanaan caan ah oo ku geeriyooday London

Alle ha naxariistii waxaa magaalada London ku geeriyooday Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) oo ahaa rug caddaa dhinaca fanka iyo muusigga ah. Xudeydi ayaa dhashay 15kii April ee sanadkii 1928.
Axmed Ismaaciil (Xudeydi) ayaa lagu naaneysi jiray Boqorkii kabanka . Sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay waxa uu garaacidda kabanka  bilaabay isaga oo 18 jir ah.
Xudeydi oo ku barbaaray dalka Yemen ayaa magaalada London ku geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 92 sano.

Xudeeydi waxaa uu ahaa shaqsi si wanaagsan u yaqaan garaacista Kabanka iyada oo dad badan ay kaga deydaan

Warar ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay uu laxanuun sanayay isalamarkaana uu ku dhacay Covid 19

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com