Dhageyso: sheekh shariif oo ka hadlay dagaalada ka jira gobolada Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaallada sokeeye ee ka soo cusboonaaday gobollada Galgaduud, Baay, Sh/hoose iyo Jubada Hoose.

Shariif sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee wada deggan inay ka waantoobaan dhacdooyinkii  maalmihii dambe lagu arkayay baraha bulshada oo dad la gubay ay ka muuqdeen.

Sheekh Sharif ayaa sidoo kale aad u cambaareeyey falkii kufsiga ahaa ee carruur seddex iyo afar jir ah loogu geystay degmada Afgooye, gaba gabadii wuxuu si’ qotta dheer uga sheekeeyey halista cudurka Coronavirus iyo muhiimadda ay leedahay in la qaato talooyinka dhaqaatiirta.