Dagaal culus oo caawa ka dhacay Magaalada Marka.

Marka,Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo Ururka Alshabaab ayaa caawa ka dhacay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in Magaalada ka soo weerareen dhowr jiho isla markaana ay keentay in xaalada Magaalada mar kaliya is badasho.

Alshabaab ayaa magaalada ka soo galay dhanka bari gaar ahaan Xaafadaha buulo-bacaad iyo Rusiya.

Saraakiil Ciidamada dowlada la hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in iska caabin xoogan ku sameeyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday,

Lama oga dhab ahaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi,balse xaalada iminka ayaa u muuqata mid dagan.

Ciidamadi weerarka soo qaaday ee Alshabaab ayaa dib isaga gurtay Magaalada kadib dagaal ay kala hortageen Ciidamada dowlada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com