Galmudug oo ka hadashay Wararka sheegaya in Ciidanka Haramcad laga saarayo Dhuusamareeb

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha Bulshada aad looga hadal haayay warar la xiriira in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad oo xilligii doorashada ay Dowladda Soomaaliya geysay Dhuusamareeb laga saaro Magaaladaas,hayeeshee waxaa wararkaasi beeniyay Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin,isla markaana ay baahinayaan dad doonaya inay carqaladeeyaan shirka ay Galmudug marti gelisay ee dhex-mari doona Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in waqtigaan aysan jirin waxyaabo kalifi kara in Ciidamada Haramcad laga saaro Magaalada Dhuusamareeb,kuwaas oo ka qeyb qaata amniga Magaaladaas,isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah.

Dad badan oo Caanka ah Baraha Bulshada ayaa baahinayay in dowlada Soomaaliya ay Magaalada Dhuusamareeb kasoo saareyso 200 oo katirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad, iyada oo aysan jirin cid ay soo xiganayeen.