Faah-faahin dheeri ah oo ka soo baxeyso qarax ka dhacay Muqdisho

Hal Qof ayaa ku geeriyooday 2 kalana wey ku dhaawacmeen Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay oo ahaa kuwa raaxada oo uu noociisu yahay Hariyar ayaa ku qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib Najiib ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko kadibna uu qarxay iyadoo ay ciidamadu ceyrsanayaan.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in qofkii waday oo kaliya uu ku naf-waayay qaraxa gaarigan.

Waxaa sidoo kale dab xoog leh oo qaraxu sababay uu ka kacay Maqaayadda Dheeman oo ku taalla Isgoyska.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com