Booliska Malta oo labo ruux u soo xiray geerida wiil Soomaali ah oo dabaq kasoo dhacay

Booliska Malta ayaa baaraya ugu yaraan shan qof oo lala xiriirinayo shil ka dhacay warshad ku taal xaafada Marsa  ee dalka Malta oo uu naftiisa ku waayay nin Soomaali ah.

Dad Malta oo ay laxariidtay warbaahinta Arigticusub ayaa sheegay in laba nin la xiray oo su’aalo laga waydiiyey shilkan, halka booliskuna uu la hadlay saddex kale oo taxadar leh, taas oo ka dhigan in loola dhaqmayo sidii tuhuno kale.

Baaritaanka ayaa ku saabsan geerida Axmed Cadaawe Diiriye oo 39 jir ah oo Soomaali ah, kaasoo ka soo dhacay dabaq dheer isagoo dhaawaciisana ugu geeriyooday isbitaalka.

Diiriye ayaa markii hore ay boolisku sheegeen in la waayay galabnimadii Isniinta, iyagoo sheegay in la arkayay toddobaad ka hor.

Booliska waxay sheegeen in ay baarayaan in sababta keentay in dabaqa laga soo tuuro ama in uu asago iska soo tuuray.

Dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ayaa kadhaco wadamada yurub waxeeyna taas oo dad badan u aa neeynayaan qofka oo isku buuqo amaba stress soowajabo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com