Maxaa looga hadlayaa Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee ka Furmay Muqdisho?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa xalane ka furay madashada iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay furitaanta shirka ayaa ka hadlay arrima badan oo ay ka mid yihiin la daagalanka argagixisada ,Amniga iyo doorashooyinka.
Shirka waxaa ku sugan sidoo kale Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed

Guuleed (Qadar) wasiiro iyo xilidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) qaar ka mid safiirada beesha caalamka ufadhiya Soomaaliya.

Ergaryga gaar ah ee qaramada midoobay uqaabilsan Soomaaliya James Swan sidoo kale khudbad dhinac Zoomka ah uga soo qeyb-galay

Madaxda Dawlad goboledyada qaar ayaa shirka habka Fogaan arraga ee Zoomka looyaqaan uga qayblay shirkaasi sida Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni oo khudbad ka jeediyay shirkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com