Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo diray Hambalyo ku aadan 70 guuradii ka soo wareegatay Aasaaska Jaamacadda Ummadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo diray hoggaanka, bareyaasha iyo ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo u dabbaal dageysa sanad guuradii 70–aad ee markii la aas-aasay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa waxaa uu hambalyo diray dufcaddii 21-aad ee maanta ka qalin jabisay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Jaamacadda Ummadda oo la aas-aasay 1950-kii, ayaa ku burburtay dagaaladdi sokeeye, waaxana dib loo howlgaliyey sanadkii 2013-kii. Dufcaddii 2-aad ayaana ka qalin jabisay maanta iyaddo ay ku beegan tahay 70-aad sanad guuraddii ka soo wareegtay markii la aas-aasay

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com