Wasiirka Amniga oo ku amray hay,adda NISA in ay wareejiso Amniga Garoonka

Wasiirka Amniga Gudaha C/laahi Maxamed Nuur ayaa ku amray Agaasimaha KMG ah ee NISA in uu kasoo saaro Ciidanka NISA ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, Sidoo kalena farriisimihii ee halkaas ku lahaayeen lagu wareejiyo Taliska Ciidanka Booliiska ee garoonka Aadan Cadde.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa siddaan u qornaa:

Ku: Kusimaha Agaasimaha Ha’ada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Ku: Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aden Abdule International Airpot
Ku: Maareeyaha Guud ee Maamulka iyo Amniga Garoonka
Og: Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga
Og: Wasiir Ku/xigeenka Wasaaradda Amnig
Og: Wasiirudowlaha Wasaaradda Amniga
Og: Wasriirka wasaaradda Gaadiidka iy Duulista Hawada
Og: Ra’iisulwasaaraha XJFS
Uj: Sugidda Amniga Garoonka Aden Abdulle International Airport Kadib marki ay ka dhaceen gudaha garoonka isku halayn amni oo kaliftay dayacaad amni balaaran maadaama mas’uuliyadda amniga garoonku qaybsantahay kuna jirin hal gacan Kadib marki ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen ha’yadaha dowladda ee kahowl gala gudaha garoonka ciidamada NISA oo kukaca xadgudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah lehne cadaymo buuxa.

Waxaa la go’aamiyay lana farayaa in guud ahaan Amniga Garoonka uu lawareego Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xisaabtamayaa Saldhiga Garoonka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kaliya mas’uuliyadda amni ee garoonka wixi kadanbeeya 02 Janaayo 2022.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in dib looga soo celiyo dhamaan taliska iyo ciidanka NISA ee
kahowl gala gudaha garoonka laga bilaabo 02 Janaayo 2022. Hadabba Waxaa lafarayaa kusimaha agaasimaha ha’iadda NISA in uu ku wareejiyo dhammaan mas’uuliyada amni ee ay hore gacanta hayeen ciidanka NISA si buuxda ciidanka booliska dibna ula soo laabto dhammaan taliska iyo ciidanka ka howl gala gudaha garoonka mana jiro wax ciidan NISA ah oo kahowl gelaya ama hub lageli kara gudaha garoonka marka laga reebo ciidamada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com