24.6 C
Mogadishu
Saturday, July 27, 2024
Home Wararka Afrika Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ka dhacay Safaarada...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ka dhacay Safaarada qadar ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino ah oo ka dhacay dhabarka danbe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Muqdisho kuna dhow Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka ah ayaa waxaa la sheegayaa in lala eegtay gaari ay leeyihiin Ciidanka Booliska Soomaaliya xili uu marayay dhabarka danbe ee safaarada, waxaana saarnaa Askar ka tirsan Ciidanka Booliska.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas ay ku dhinteen laba Askari oo Boolis ah, halka laba kalena uu dhaawaac soo gaaray, kuwaasi oo durbadiiba loola cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay aaga qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas xiray inta uu socday gurmadka loo sameeynayay Askarta waxyeelada soo gaartay, iyagoo dibna u furay wadada.

Sawirro laga soo qaaday gaariga uu qaraxu qabsaday laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu arkayay inuu ku boofsanaa Astaanta Ciidamada Booliska dowladda, iyadoo qeyb kamid ah uu burburay gaarigaas.