Shabaab oo war layaab leh ka soo saaray dilkii Cabdiweli Gaatam

Ururka Al Shabaab ayaa si rasmiya u sheegtay masuuliyadda dilkii xalay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose loogu gaystay Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow).

Goolhayihii Kooxda Banaadir iyo Xulka Qaranka, Cabdiweli Colaad Qanyare ayaa waxay rag hubeysan ku dhex dileen Masaajid ku yaala Degmada Afgooye, xilli uu Salaadda Taraawiixda ku tukanayay.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa qoraal ay ku daabaceen boggooda Calamada waxaa ay ku sheegteen inay hawlgal gaar ahi ku dileen waxa ay ugu yeereen Sarkaal ka tirsanaa kooxda ridada Somaliya.

“Hawlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabellaha Hoose waxay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa kooxda ridada Somaliya.”

Qoraalka waxaa ay ku muujiyeen in waxa uu sababsaday marxuumka, loona dilay ay ahayd, isagoo ku magacawnaa Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Degmada Afgooye.

“Hawlgalkan waxay Mujaahidiinta ku dileen Cabdiweli Colaad Gaatamow, oo ahaa Gudoomiyihii Isboortiga Dowladda Federaalka ee Degmada Afgooye.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay argagixisada Al Shabaab.

Shabaabka hubeysan ee dagaalka dhiigga badani ku daadanayo dalka ka wada ayaa waxay xilliyada qaarkood ay dadka ku dhex dilaan Masaajida, xilli ay sheeganayan inay Diinta Alle u dagaalamayan.

Culimada Soomaaliyeed ayaa waxay naqdiyeen sheegashada Shabaabka ee ah inay dagaal Jihaad ahi ku jiraan, waxaana taasi bedelkeeda ay sheegeen inayba Diinta Islaamka si cagsi ah u fahmeen.