Ra’iisul Wasaaraha Malaysia oo loo qaadayo codka kalsoonida

Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Muhyiddin Yassin ayay baarlamaanka dalkaasi u qaadi doonaan codka kalsoonida 18-ka bishan May, xilli uu ku howlanaa la tacaalidda coronavirus tan iyo markii uu noqday madaxa isbahaysiga cusub ee haatan talada haya laba bilood ka hor.

Mooshinka soo jeedinaya in codka kalsoonida loo qaado ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa golaha u soo gudbiyey Mahathir Mohamad, oo ah 94 jir iska casilay xilka ra’iisulwasaarenimo bishii February, ka dib markii isbahaysigii uu hogaaminayay uu burburay.

Muhyiddin, oo ahaan jiray mid ka mid ah dadka uu Mahathir aadka ugu kalsoonaa ayaa 1-dii March loo dhaariyey xilka ra’iisulwasaarenimo, ka dib markii uu noqday madaxa isbahaysi ay ku midoobeen axsaabta qowmiyadda Malay oo aqlabiyad yar ku hogaaminaya baarlamaanka dalkaasi, taasi oo ah 116 xubnood oo ka mid ah 222-ka kursi ee baarlamaanka.

Muhyiddin ayaa bishii March waxa uu dib ugu dhigay bilaabashada howlaha baarlamaanka ilaa muddo laba bilood ah, xilli ay xubnaha mucaaradku ay riixayeen olole ka dhan ah xukuumaddiisa cusub.