Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in xalineyso Xiisada ka taagan Baladweyne

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu shaqsiyan u istaagi doono wax ka qabashada khilaafka ka jira gobolka Hiiraan.

Afhayeenlka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa  shaaciyay warkan hadalkaan kadib kulankii ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka balse si faahfaahsan looma sheegin sida uu ra’iisul wasaaruhu ku xalinayo khilaafka ka jira gobolka Hiiraan.

Xaruunta maamulka gobolka Hiiraan ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa la wareegay ciidamo ka soo horjeeda Maamulka Hirshabelle kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen uu booqanayo magaalada Beledweyne.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com