Maxay ka dhigan tahay Ansixinta Heshiiska Siyaasadeed ee doorashooyinka Dalka ?

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa aqbalay heshiiska doorashooyinka ee dhawaan ay gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulan wadajir ah oo maanta yeesheen xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliaya ayay ku Ansixiyeen heshiiskaas. Waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday 252 mudane, waxaa diiday 2 mudana, halka uu ka aamusay 1 mudane.

Ugu horreyn inta aan la ansixin heshiiska waxaa xildhibaanada labada aqal loo qeybiyay nuqulka ansixinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka iyo codsiga Madaxweyne Farmaajonee ansixinta heshiiskaas.

Qodob ka mid ah nuqulka baarlmaanka loo qeybiyay waxaa ku qormaa in baarlamaanka 10-aad uu xilka sii heynayo illaa maalinta la dhaarinayo xildhibaannada la soo doorto ee baarlamaanka 11aad.

Sidoo kale heshiiska doorashooyinka waxaa ku jira qodobo aan la qeexin, oo ay ka kamid yihiin soo xulista ergada oo ay iska kaashan doonaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo dowlad goboleedyada

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saari doona xeer lifaaq ah oo lagu sharciyayn doono heshiiska siyaasaded ee doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.co