Yaasiin Fareey oo loo doortay Xildhibaan ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya

Yaasiin Fareey Cabdullahi Maxamuud ayaa ku guuleystay Kursiga tirsigiisu yahay Hop#067 ee golaha shacabka JFS, isagoo kaga guuleystay Maxamed Cali Culusoow oo la tartamayey.

Yasiin Cabdullahi Maxamuud Fareey  ayaa helay 68 cod, halka Maxamed Cali Culusoow uu helay 20 Cod, waxaa halaabay 3 cod, sidaasina Kursiga waxaa ku guuleestay Yaasiin Fareey.

Guusha Yaasiin Fareey ayaa ku soo aadeysa xili kursiga hop067 ee kuu guuleystay uu murun mabadan ka taagnaa waxaana hore ugu fadhiyay Ganacsade Cadow Cali Gees.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com