Ra’iisal Wasaare Rooble oo cambaareeyay Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa Cambaareeyey Qarixii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa u qorna sidaan:

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Roobl3.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo”.ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha XFS  Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com