Midowga Musharaxiinta oo go’aan ku gaaray in Soomaaliya laga qabto Farmaajo.

Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa Maanta shir deg deg ah isagu yimid Jazeera hotel, kaasoo ay uga doodeen arrimaha doorashadda iyo boobka socda.

Shirka oo gudoomiyay Sheekh Shariif, oo ah gudoomiyaha Midowga Musharixiinta, ayaa diiradda ku saareen sidii looga hortagi lahaa kooxda Villa Somalia ee doorashadda afduubtay.

Musharax Daahir Geelle, oo Afhayeen u ah Midowga ayaa saxaafadda u sheegay inay go’aan ku gaareen mucaaradka in Soomaaliya laga qabto Farmaajo shirqooladda uu u maleegayo.

Wuxuu sheegay inay billaabi doonaan Musharixiinta kulamo joogto ah, oo ay la qaadan doonaan Bulshada qeybaheeda kala duwan, Saraakiish Ciidanka iyo Beesha Caalamka.

Musharixiinta ayaa ku tilmaamay doorashadda socoto mid ka duwan wixii lagu heshiiyay Sep 17, sanadkii tagey taasoo ahayd in codbixintu noqoto mid hufan, oo loo dhan yahay tartanka.

Farmaajo iyo Kooxda uu wato ayaa ka wada Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug oo madaxda maamusha iyaga hoos yimaada boobka kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com