Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu galay Hotel Elite

Kooxo hubeysan ayaa xoog ku gashay Hotel Elite oo ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho ugu waaweyn, aadkana amnigooda loo ilaaliyo.

Hotelkan oo saaran Xeebta Liido ayaa weerarka lagu qaaday waxa ku bilowday qarax xoogan, waxaana xigay weerar toos ahaa oo gudaha loogu galay hotelkaasi.

Dhawr nin oo ku hubeysnaa qoryaha fud fudud iyo qaraxyo ayay u suurtagashay inay gudaha u galaan hotelkaasi, ka dib markii ay ka gudbeen kontoroolka hore ee amniga hotelka laga ilaaliyo.

Hotelka ayaa waxaa shirar ku qabsada Xildhibaanada iyo Ururada Bulshada Rayidka, waxaana degan dad qurbajoog u badan.

Ma cadda sababta xilligan loo bartilmaameedsaday hotelkan, balse waxa uu noqonaya hotelkii ugu horeeyay ee sanadkan lagu weeraro gudaha Magaalada Muqdisho.

Weerarkan waxaa uu ku soo aadayaa, xilli labadii bilood ee ugu dambeysay habacsanaan amni laga dareemay Caasimadda Muqdisho, marka aad fiiriso sida ay u kordheen weerarada ka gaysanayaan maleeshiyada Al Shabaab.