Ku simaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo daahfuray Musawaca lagu hagayao Maraakiibta Dekadda Muqdisho Daawo+Sawiro

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya , Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daah furay Masawac laga hir geliyay magaalada Muqdisho oo loogu tala galay in maraakiibtu ay si fudud ugu soo xirtaan dekadda Muqdisho.

Waa Musawaca oo iftiinkiisa xilliyada habeenkii ay meel fog ka arki karaan howl-wadeennada maraakiibtana  sahlaya inay gartaan masaafada dekaddu u jirto iyo inay si fudud ugu soo Xirtaan Dekadda Muqdisho

Ku simaha Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa caddeeyay in dib u Hawlgelinta  Musawaca oo 100 sano jirsaday ay qayb ka tahay horumarinta dekadaha gaar ahaan dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Musawaca laga Hergeliyay Dekada Muqdisho ayaa u sahlaya marakiibta in si Fudud ay ugu soo xirtaan dekada magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com