Banaan bax looga soo Horjeedo Ciianka Kenya oo ka dhacay BaladXaawo iyo Degaano kale oo ka Tirsan Gobolka Gedo+Sawiro

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta in dibad bax looga soo horjeedo Ciidanka Kenya uu ka dhacay Degmada Balad Xaawo ee gobolkaasi Gedo .

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay Fagaare ku  yaala degmada Baladxaawo ayaa iyaga ku hadlayay erayo ka dhan ah ciidamada Kenya oo dhowaan tacadiyo ka geystay dgemada Ceelwaaq.

Sidoo kale waxa ay qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ay ka dalbadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ciidamada Kenya gabi ahan laga saaro gobolkaasi.

Sidoo kale  Dibad baxyo kaa la mid ah ayaa ka dhacay Demooyinka, Baardheere, , Ceelwaaq iyo Degaano kale oo ka Tirsan  ah gobolka Gedo.

Dadka Dibad baxyada dhigaya ayaa ka careysan gabood fallo isugu jira dil, dhaawac iyo afduub ay ciidamada Kenya Dad rayid ah ugu geysteen tuulooyin hoostaga Ceelwaaq.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.co