Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyay Kismaayo

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeynayeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgallada oo intooda badan la sameeynayay xilliyada habeenkii ayaa Ciidamada waxaa ay ku baarayeen guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaala wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo iyo kuwa jidcadayaasha ah ee Xaafadaha dhexmara.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwo amniga lagu xaqiijinayay maadaama Magaalada Kismaayo dhawaan ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Afhayeenka in howlgallada ay Ciidamada ku qab qabteen dad la tuhmayo, kuwaas oo uu sheegay inay baaritaano ku socdaan lana soo bandhigi doono, sidoo kalena howlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda.
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Jubbaland, in kastoo mararka qaar ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan, waxaana Ciidamada Jubbaland ay had iyo jeer sameeyaan howlgallo kala duwan.