Cali Guudlaawe oo farriin u direy Shacabka Jowhar,xilli Cabsi ay jirto

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Gudlaawe Xusseen iyo Xubno la socday ayaa Maanta  waxaa ay  kormeereen Xaafadaha Magaalada Jowhar Gaar ahaan Goobaha ay Fariisteen Biyaha Daadadka ee ka dhashay Roobka Guga Ee ka Da,aya Deegaanada dalka.

Xaafadaha uu kormeerka ku maray Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka mid ah Buula-sheekh Qeyb ka mid ah Kulmis iyo Biya fariisamaha ugu weyn ee Xaafada Hantiwadaag.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Hir-Shabeelle Cumar Maxamed Cumar (Cumar Gaabow) oo warbixin siiyay Cali Guudlaawe ayaa sheegay in goobaha qaar Biyaha looga saarayo Matooro si aysan Xaafadaha iyo dadka degan u saameyn.

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhankiisa sheegay in ka maamul ahaan wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka mira,waxaana Bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan Goobaha uu ka fatahi karo Wabiga.