Taliska Amisom oo war ka soo saaray burburka diyaaradda African Airways

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya ayaa war ka soo saaray diyaaraddii maalin ka hor, ay Ciidanka Militariga Itoobiya ku soo rideen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Amisom, uuna ku saxiixnaa Madaxa Ciidanka Amisom ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa marka loogu tacsiyadeeyay qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo ka tagtay Magaalada Baydhabo ay la socdeen lix qof, kuwaa oo dhammaantood la xaqiijiyay inay dhinteen.

“Diyaaradda ka tagtay Baydhabo, waxaa saarnaa lix qof, waxayna ku sii jeedeen Bardaale, oo 300km waqooyi galbeed kaga toosan Caasimadda Muqdisho.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kaloo qoraalka lagu yiri “Hawlgalka Midowga Afrika ayaa soo dhaweynaya go’aanka ay gaareen Hoggaamiye-yaasha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.”

Taliska Amisom ayaa sidoo kale qoraalka ku cadeeyay in ay saddexda dowladoodba kala shaqayn doonaan, isla-markaana ay fududayn doonaan baaritaanada la xiriira baahida keentay in dhulka la soo dhigo diyaaradaasi.

“Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaanada looga goleeyahay in lagu cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Ciidanka Militariga Itoobiya ee saldhigga ku leh Garoonka Degmada Bardaale ayaa hubka lidka diyaaradaha dhulka ku soo dhigay diyaaradda African Airways, xilli ay isu diyaarineysay inay cago-dhigato garoonkaasi.