Wabiga Shabelle oo ku fatahay toolooyin dhoor ah oo hoostago Jowhar iyo Mahadaay

Xil wabiga shabelle oo kar-kaarada marayo is lamrkaana oo biyo xooli ah keenay ayaa dadka deeganada shebellada Dhexe waxeey wajahayaan xaalad biniaadanimo madaama oo ku fatahay Wabiga Shabelle  degmada Mahadaay iyo dhoor tuulo oo hoostago.

Shabelleda dhex waxaay wajaheysa Dhibato xanuun badna Waxaa sii xoogaysanaaya fatahaadaha oo geeysanayo wabiga Shebelle waxaana xiligaani oo ku sii fatahayaa goobo hor leh.

ku dhawaad 10 tuulo oo hoostagto Jowhar  ayuu shalay ku fatahay wabiga iyadoona dadki daganaa iskaga barakeceen .

Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay oo dhamaantood hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle kuna yaalla Jiinka Wabiga ayaa waxaa ay kala yihiin, Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same,  Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali.

Dadkaasi ayaa xiligaani waxeey dibad yaal ku yihein duleedka Garoonka Diyaaradaha ee jowhar manaheestaan meel ay gabaad ka gadhigtaan ileeska qoraxda iyo qabowga habiinki waxaana udheer xiligaan oo ah xili roobaad in ay soowajahaan cuduro ay kamidyihiin Malaariyada , shuban biyood .

Majirto madaxda dowlada shexe , maamulka H/shabelle iyo Hayadaha wax bixiyo ilaa IYO hada cid dadkaasi wax lagaartay maadaaha ay heeysato xaalad aad u daran.

Halkaan sawirada kadaawo

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com