Al-Shabaab oo hal Nin Goob fagaaro ah ku toogtay

Ururka Al-Shabaab ayaa Goob fagaaro ah oo ku taalla degaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku toogneen Nin ay sheegeen in uu dil geystay.

Ninkaan oo lagu Magacaabi jiray Daa’uud Aadan Muumin ayaa kamid ahaa dadka degaanka,waxaana Al-Shabaab ay sheegeen in uu sibareer ah u dilay Nin kale oo lagu Magacaabi jiray Daa’uud Qeyleey.

War kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu daabacay Baraha Internetka ee taageera ayaa waxaa lagu sheegay in Ninka dilka geystay ay soo dacweeyeen Ehelka Ninka laga dilay ayna dalbadeen in loo qisaaso,hayeeshee sidaasi lagu toogtay.

Al-Shabaab ayaa horay degaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ay goob fagaaroyaal ah ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.