SAWIRRO: Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray deegaan ku dhaw Degmada Ceelbuur

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah Deegaanada Alshabaab sida Dhuumaaleysiga ah ku joogeen halkaa oo ay isaga Carareen kadib markii ay ka war heleen in ay kusoo wajahan yihiin Ciidamada Qalabka Sida .

Ciidamadii Shabaab ayaa la sheegay inay u carareen Dhanka Deegaanka Wabxo oo Dhowr iyo toban KM u jira Deegaankan iyadoo Ciidanka qalabka sida ay ka dajiyeen Deegaankan Calanka Maleeshiyada Alshabaab iyo Astaamohooda kale kuwaa oo goob fagaare ah lagu gubey .

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto: Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa muujiyay in la joogo waqti Kooxaha Argagaxisadu aysan awoodi karin in ay isku dhigaan Awooda Ciidanka qalabka sida , waxaa ayna dadka deegaanku balan qaadeen in Ciidamada qalabka sida ay kala shaqeyn doonaan Dagaalka lagula jiro Argagaxisada .

Howlgalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo dadka joogaa si diiran usoo dhoweeyeen socdaalka ciidamada.