Facebook oo lagusoo kordhiyay adeeg cusub .

Facebook ayaa sameysay adeegga (Facebook Voting Information Center) oo ah xarun uu facebook-gu leeyahay oo dadka isticmaala barnaamijyada Facebook siin doonta macluumaad ku saabsan cod-bixinta doorashooyinka Mareykanka ee sanadkan 2020.

Adeeggan oo u gaar noqon doona dadka ku nool Mareykanka ayaa bilaabanaya Bisha soo socota, socona doona ilaa maalinta doorashada Maraykanka oo ku beegan bilowga bisha  November ee dabayaaqada sanadkan.

Addeegan ayaa dadka ka saacidi doona doorashada isagoo u tilmaamaya sida ugu sahlan ee qofku codkiisa u dhiibanayo iyo macluumaad kale oo muhiim ah, waana app ay dadku kala socon doonaan mobilada