Dhageyso : Xildhibaan ka hadlay Xuquuq ka maqan Beelaha Carab Soomaali

Xildhibaan hore Ibraahim saalax Deyfullah ayaa ka hadlay xuquuq ka maqan Beelaha Carab Soomaali ee dega gobolada Dalka

Ugu Horeyn Xildhibaan Deyfullah ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan shirka Dalka Jabuuti uga Furmay Dawlada Federaalka iyo Soomaaliland

Mudane Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka hadlayay kulan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee looga hadlayay xuquuqda ay Beelaha Carab Soomaali ku lee yihiin Aqalka sare ayaa dalbaday in si deg deg ah lagu siiyo kuraasta ay ku lee yihiin Aqalka sare Waxaana uu sheegay in Odayaasha dhaqanka , waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beelaha Carab Soomaali in la siiyo xuquuddaMatalaada ee ay ku lee yihiin Aqalka Sare

Beelaha carab Soomaaliya ayaa dega dhamaan degaanada iyo degmyooyinka gobolada Dalka waxaana ay codsadeen in la siiyo xuquuda Matalaada ay ku lee yihiin Aqalka sare