Bandow lagu soo rogay deegaanada Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Xilibaan,  Maxamed  Cabdiraxmaan Kheyre  oo goor dhaw la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Caawa Salaada Cisho  wixi ka dambeeya degaannada Hirshabeelle  uu ka dhaqan gali doono Bandow socon doona illaa Salaadda Subax, kaas oo looga golleeyahay  ka hortaga Cudurka Covid19.

Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu Wasiirka ugu baaqay inay  dhaqan galiyaan amarrada lagu soo rogay degaannada Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa Mas’uuliyiinta 2 da Gobal ugu baaqay inay ka qey qaataan la dagaallanka qaadka oo si qarsoodi ah loosoo galiyo qeybo ka mid ah Hirshabeelle.

Dhinaca kale Warar soo baxaya ayaa sheegayaan in Magaalada Jowhar ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin kala duwan oo dhawaan la kulmay Marxuum Xildhibaan Khaliif Muumin oo laba maalin kahor u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com