Madaxweyne Qoor Qoor oo Tababar u soo xiray Dufcaddii koowaad ee Ciidanka Daraawiishta Galmudug

Madaxweynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar usoo xidhay cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo la Tababarayay muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda DugsigaTababarka Ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb.

Khudbad uu jeediyay Ciidamada ayuu ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda & dadkooda kana difaacaan cadowga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u soo  diyaariyeen.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa Iclimaamiyay Dagaal Toos ah oo Maamulkiisa uu la Galayo Alshabaabka ku sugan degaanada galmudug

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com