Ciidanka Amniga Puntland ee PSF oo muddo dhowr Maalmood ah u xiran wariye ka Hawlgalayay Magaalada Boosaaso

Ciidamada Amniga Puntland ayaa xiray weriye Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed oo ka hawlgala Warbaahinta Boosaaso.

Weriye Cabdiraxmaan ayaa ,Maalintii 3aad ku xiran Xarunta PSF ee Magaalada Boosaaso ayaan ilaa iyo haatan loo ogolaan in ay arkaan Qoyskiisa iyo Weriyaasha kale .

Sidoo kale xubno ka tirsan Qoyskiisa oo xiriir la sameeyay Saraakiisha Amniga Puntland ee PSF waxay sheegeen in aan la caddeyn sababta loo xiray Wariyaha

TaliskaCiidanka Amniga  PSF ayaa la sheegay in dadka u xiran aysan jirin cid ka war-haysa sida maadaama aysan ogolayn in xarumahooda la galo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com