Dawlada Federaalka oo beenisay in la Fasaxay in dalka la keno qaadka Kenya

Wasiirka  Maaliyada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay in dowlada federalka ay fasaxday soo dejinta qaadka ka baxa gudaha dalka Kenya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shir jaraaid oo uu qabtay shalay si qaldan loo farisay, isla markaana uu ka hadlay oo kaliya qaadka hareeriga ah ee ka yimaada Itoobiya oo la xusay in uu dad gaar ah u xayiran yahay

Waxaa uu sheegay Wasiirka Xukuumadda in aysan jirin cid sigaar ah uu ugu xayiran yahay qaadka hareeriga ah ee la keeno Magaalada Muqdisho, ayna soo dejisan karto cid kasta oo dooneysa inay ka ganacsato.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in qaab sharci ah loo maro soo dejinta qaadka oo la Canshuuro, isla markaana intaas uu ka hadlay oo kaliya, hayeeshee uusan marnaba ka hadlin qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya oo la joojiyay.

Shir jaraa,id oo ku qabtay Muqdisho Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu ku sheegay in dalka la keeni karo Nuuc kasta oo Qaadka ka mid oo uu ku jiro qaadka laga keeno Kenya balse kolkii dambe uu beeniyay in la fasaxay qaadka laga keeno Kenya.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com